IS DAR DAR AMAAN: Askartii amaanka sugi lahayd oo dadka laynaysa & dowladda oo arrintaa xallin la’! (Daawo)

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2018 – Gen. Bariise oo ah Madaxa Canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dilkii Dayax Iimaan oo Saybiyaano lagu dilay ay sabab u ahayd ciidan galbinayay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ay XABBAD DHASHIIKE ku dhufteen. Sababta xabbadda loo ridayna ahayd si Sarkaalku jidka u furto.

Jeneraal Bariise oo shaqadiisu tahay ilaalinta iyo dabagalka canshuuruhu waxa uu sheegay in dilka Dayax Iimaan loo soo xiray dad uu ku jiro ninkii xabbadda riday laakiin ma uusan sheegay in sarkaalkii ciidanka watay la soo xiray iyo inkale.

Haddii dawladdu raalli ka tahay in ciidankeeda ay hoggaan u noqdaan saraakiil marka jidadku ka xirmaan rasaas ku furta dadka wadada maraya ku laaya, haddee dawladdu waxba ma dhaanto hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho haysan jiray.

Arrinta kale ee la yaabka lihi waxa ay tahay in Jeneraal uu ka hadlo amnidarradii iyo dilalkii baahdanaa ee Muqdhisho ka dhacayay maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay asaga oo aysan shaqdiisa ahayn halka kuwii shaqadaas masuulka ka ahaa hoteellada ku cawaynayaan.

Aaway Taliyihii Boliiska Gobolku?
Aaway Taliyihii Madixii Nabadsugidda Gobolku?
Aaway Guddoomiyihii Gobolku?

Aaway taliyihii Boliiska Qaranku?
Aaway haykalkii Amniga Qaranku?
Aaway? Aaway? Ciidii amniga Gobolka iyo dalkaba masuul ka ahayd?
Maxaa dadka soo horistaajiyay Jeneraal shaqadiisu tahay ilaalinta cashuuraha iyo dabagalka dadka canshuurta bixin waaya ama la goosta?

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media