Cunug yar oo si naxariis darro ah loogu dilay Muqdisho!

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2018 – Dilalka ka dhanka dadka rayidka ah ayaa ka sii socda Magaaladda Muqdisho waxaana dilkii ugu dambeeyay uu ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saakay subaxdii hore ayaa lagu soo toosay Meydka cunug yar yaalay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaana ilmaha yar la sheegay in la marjiyay ama la ceejiyay.

Lama oga cida falkaan waxuushnimada ka dambeysa hase ahaatee waxaa uu qeyb ka yahay falalkka dilalka ah ee ka sii socda dalka gaar ahaan Caasimadda oo maalmahaan marti galisay mawjado dilal ah oo qaar kood loo gaystay dad shacab ah sida Ardey iyo shaqaale ka tirsan dowladda hoose ee Xamar.

Hadalsame Media