DHEGEYSO: ”Runtii aad baan ula dhacay Soomaalida Sweden” – Cabdi Salaam Hereri

0

(Stockholm) 19 Sebt 2018 – Waxaa magaaladan Stockholm soo gaarey ruug cadaaga saxaafadeed ee Cabdi Salaam Hereri, oo si gaar ah noogu soo booqday laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda Sweden, annagoo bilowgiiba hor dhignay su’aal ku aaddan ujeedka safarkiisa Sweden.

Hereri ayaa sida uu sheegayba halkan u yimi samaynta barnaamij uu ka sii daayo hilinka Soomaaliyeed ee Universal TV, kaasoo uu aalaaba ku soo qaato nolosha Soomaalida kala joogta dal iyo dibedba si buu yiri hal beeg, taariikh iyo tixraac looga dhigo sanado kaddib, si loola socdo tadawurka, horumarka iyo isbeddellada Soomaalida.

Haddaba hoos ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyay Maxamed Xaaji oo waraysiga ka qaaday.

Hadalsame Media