DEG DEG: Shiinaha oo si kulul u beeniyay inuu faragelinayo doorashada xilli-dhexaadka Maraykanka

0

(Beijing) 19 Sebt 2018 – Beijing ayaa so kulul u beenisey eedayn kaga timid dhanka Maraykanka oo ku aaddan inay ”faragelinayaan” doorashada xilli-dhexaadka ee bisha Nofeembar ka dhici doonta dalkaasi Maraykanka, taasoo lagusoo doorto xildhibaannada labada aqal ee dalkaasi.

Shiinaha ayaa sheegay ‘in aysan faragelin arrimaha gudeed ee dalalka kale’ sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha, oo beeninayay eedayn ka timid dhanka Donald Trump oo soo tweet gareeyay inay Shiinuhu faragelin ku hayaan doorashada Maraykanka.


”China waxay si furan u sheegtay in ay si firfircoon u hollinayso inay saamayso oo bedesho doorashadeenna, iyadoo weeraraysa beeraleeyda, goofleeyda iyo shaqaalaha wershadaha, maaddaama ay aniga daacad ii yihiin. Waxa aysan Shiinuhu fahamsanayn waa inay dadkani yihiin wadaniyiin arrintaa si buuxda uga dheregsan..” ayuu soo qaray Trump.

 

Hadalsame Media