KASHIFAAD: Daroon casri ah oo uu Maraykanku leeyahay oo arrin XASAASI ah ka sameeyay hawada Ruushka (Xog xareedaysan)

0

(Crimea) 16 Sebt 2018 – Daroonka joogga sare ku duula ee Maraykanka ee Global Hawk ayaa lasoo sheegayaa in la arkay isagoo dul haadaya bariga Ukraine iyo xitaa xeebaha Crimea oo uu Ruushku dalkaa ka xoogey, oo uu ka sameeyay basaas dhanka hawada ah oo saacad ka badan qaatay.


Dayuuraddan iyadu is wadda ee RQ-4 Global Hawk ayaa dul haaddey bariga Ukraine oo uu dagaal daashadey, iyadoo 40 km wax ka yar usoo jirsatay xeebta Crimea oo haatan Ruushka ka tirsan, sida uu ogaadey PlaneRadar website, oo daba gala duullimaadyada dayuuradaha ciidamada caalamka oo idil.

Waxaa la fahamsan yahay in ay dayuuraddani kasoo duushay saldhig ay ciimada badda Maraykanku ku dhex leeyihiin saldhigga NATO ee Sigonella oo ku yaalla Sicily, Italy.


Daroonka Global Hawk ayaa deeto u shiraacatay dhanka Black Sea, halkaasoo ay kaga biirtay P-8 Poseidon oo iyaduna ah nooca wax basaasa, waxaana daroonkan oo ay dhistay Northrop Grumman, ee RQ-4 Global Hawk ay soo ururin kartaa sawirro aad nadiif u ah, iyadoo maalintii gaari karta ilaa 100,000 km oo ah dhul la eg inta ay ku fadhiyaan dalalka South Korea ama gasiiradda Iceland.

Arrintan ayaa ka caraysiisay Ruushka oo u arka daandaansi kaga yimi dhanka Maraykanka oo ay cadow istaraatiji ah yihiin.


Hadalsame Media