Maxaa ka jira in Soomaalida sidii XAABO loogu shidi jirey dagaalkii Amxaarada & Eriteriya?

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2018 – Waagii ay dirireen Ethiopia iyo Eritrea waxaa dowlad deegaanka Soomaalida madax ka ahaa Khadar Macallin.

Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka hogaaminayay oo hub iyo tiro ciidan labadaba kusoo labaatan laabmayay Eritrean-ka kasoo horjeeday waxay dhaafi waayeen guutooyinkii buuraha Baadhime nafta dhigtay ee dhimashada diyaarka u ahaa.

Ma aysan haynin talo aan ahayn in ciidanka lagu fasaxo miinooyinka Eritrean-ku aaseen iyo inay diyaarado ku duqeeyaan Asmara iyo gegooyinka diyaaradaha.

Waxaan xassuustaa hadal hayn dusdus ah oo gadaal laba arrimood ii rumeeyeen, taasoo ahayd in dhalinyarada Soomaalida ah ee reer Hawdka ah laga soo af duubi jiray deegaannada Soomaalida iyagoo geelooda la jooga, qaarna loo adeegsan jiray Soomaali ka dhaadhicisa in lasoo tababarayo hadhawna furinta hore lagu daabuli jiray ninka soo jeestana dhabarka laga toogan jiray.

Waa midda koowaade waxaan xantaa ku xaqiiqsaday markii nin adeerkay dhalay oo geeljire ahaa naloo sheegey inuu yaallo dhakhtarka Jigjiga kadib markii uu la geddoomay baabuur ciidanka Ethiopian-ku leeyihiin oo kasoo qaaday duleedka Walwaal kadibna markuu marayo waddada Qabribayax iyo Jigjiga u dhexaysa oo aan markaa laami ahayn kula dhacay.

Markaan dhakhtarka ugu tagnay gacan buu ka jabnaa waxaana ku weheliyay waadhka la dhigay toboneeyo kale oo lasoo af duubay.

Khadar Macallin oo ahaa madax ninkii ugu horreeyey oo aan indho saaro wuxuu u sheegey in lasoo khalday loona wado dagaalka, wuxuu u sheegey inay nasiib badan yihiin oo kuwii ka horreeyay colaadda ku go’een, iyaguna maamul ahaan aysan waxba ka ogeyn islamarkaana lagala tashan ugaadhsiga hanaqaadka gobolka. Kadibna lacag buu u qaybiyay 500 bir ah.

Midda labaad waxay ahayd markii colaaddu hakatay ee xabbad joojintu hirgashay,waxaa isku soo baxay dadka degan magaalada Jigjiga badankoodii, iskuullada waa la fasaxay si loo soo dhaweeyo askarta Soomaalida ah ee soo guryo noqonaysa.

Sababta dowlad deegaanku arrinka u baahiyeen waxay ahayd iyagoo filayay in kumaankun soo noqon doonaan malahayga, waxaa jidka dheer ee badhtamaha magaalada damaashaadayay gaadiid cod baahiyeyaal leh oo hadba dhinac isku dhaafayay.

Waxaa saarnaa kooxdii fanka ee Iftin la odhan jiray kuwaasoo heeso badan oo guubaabo ah berigaa u qaaday ciidamadii Ethiopian-ka ahaa

Bulshada cadho yaa ku beerey?
Boogtii hore yaa damqaaya?
Baruurtu orgiga ka weyne
Belaayada yaa aloosay?

Ayaa kamid ahaa

Subaxdaas waxaan taagnayn afaafka hore ee dugsigii hoose dhexe ee Wilwaal, waxaana dareenkii farxadeed ee bulshadu is beddalay markay dhawr Cabdi bile oo wadarta saaran marka la isku daro 40-50 wiil saaran yihiin jidka soo mareen oo waddada lasii eegey inay wax ka dambeeyaan, oo gacmaha dhabannada la saartay.

Niyad jabka tirada soo guryo noqotay waxaa ka darnaa markii raggu warrameen ee suuqa warku soo galay taasoo cadhadeeda lahayd.

Inkasta oo xadka labada dal shalay uun la isku furay tirakoob rasmi ah na aan la hayn islamarkaana qirashadu siyaasadaysan tahay oo aan laga run sheegeyn, hadana wixii aadame halkaa ku qudh baxay haddii isir ahaan loo mala awaalo assaliyadooda waxaan aaminsanahay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah halkaa inooga maqan yihiin.

Sooyaal ahaan Soomaalida uguma aanay horreyn inay ka qayb qaataan colaado u dhaxeeya dalal shisheeye waxaana xusid mudan in dagaalkii 2aad ee dunida ay ka dagaalameen qaarado ka baxsan Afrika.

Waxaase la yaab lahayd oo ay tani kaga duwanayd in Ethiopia oo sheeganaysay in dadka iyo deegaankuba ka tirsan yihiin dalkeeda inay misana afduubaysay dhalinyarada Soomaaliyeed iyagoo aan tabobar haysan, kala tashan dowlad deegaanka, islamarkaana safka hore gelin jireen.

Taasi waxay muujinaysaa in aan dadkan loo haysan dhalad dan laga leeyahay oo rayidkooda la shirqoolay si loogu gaadho dano fog oo anfaca inta isku haysata dhaladka iyo muwaadiniinta dhabta ah ee dalka Ethiopia.

Waxaa Qoray; Khaliif Xayir

Hadalsame Media