IS BARBAR-DHIG: RW Cabbeey Axmed oo Itoobiya ku hoggaaminaya siyaasad u eg middii uu Mikhail Gorbachev ku burburiyay Midowgii Soofiyeeti + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2018 – Sanaddii 1987-kii hoggaankii Midowgii Soofiyeeti ee Mikhail Gorbachev, ayaa Xisbigii Shuuciga ahaa ee dalkaasi ka arriminayay ka dhex bilaabay dhaqdhaqaaq isbeddel doon ahaa oo la oran jirey Perestroika oo la micne ah ”dib u qaabayn”, kaasoo lagu furfuray hannaankii dhaqaale oo tusaale ahaan la dhex geliyay waxyaabo lagu yaqaanno hannaanka hanti-goosiga iyo midkii siyaasadeed ee Soofiyeetkii burburay.

Ujeedkii Mikhail Gorbachev wuxuu ka dhex muuqdey halku dheggii siyaasadeed ee uu adeegsanayay ee glasnost oo la micne ah ”siyaasad furfuran oo isbeddel doon ah”, yeelkeede, furfurnaantaasi ma keenin natiijadii uu ka rabey, balse waxay dhashay in lagu kala tago Midowgii Soofiyeeti 1991-kii, kaddib markii ay xornimo dalbadeed umadihii iyo qaramadii hoos imanayay midowgaasi, iyagoo dabcan ka faa’iidaysanayay furfurnaantaas uu keenay Mikhail Gorbachev.

Hadda waxaa qaabkaa wax u egi ka muuqdaan Itoobiya iyo qaabka uu wax u wado RW Cabbeey Axmed, kaasoo mar qura 180 decree weeciyay siyaasaddii gacanta birta ah lagu hayn jirey ee dalkaasi.

Shalaytoole ayaa ugu dambaysay oo waxaa bartamaha Adis Ababa, gaar ahaan agagaarka Addisu Michael, Medhanealem, St. Paul Hospital iyo Pasture Hospital, foodda isku daray taageerayaash kooxda waddaniga ah ee Patriotic Ginbot 7 oo sita calanka seddex midablaha ah ee Itoobiya iyo taageerayaasha Oromo Liberation Front (OLF), labada qolaba waa mucaarad uu cafis u fidiyay Cabbeey Axmed.

Waxaa kasii daran in lakala wato calanka Itoobiya oo 3 nooc ah, qaybta Amxaarada sidata calanka 3-da midab leh oo uu dhexda uga yaallo libaaxii mucatabka sitey, kuwo sita isagoon libaaxaas ahayn oo ah Oromada iyo qoowmiyadaha kale qaarkood iyo kuwa 3-aad oo xita calanka 3-da midab leh oo ay dhexda uga taallo xiddigta buluugga ah ee ifaysa oo uu sameeyay MeleS Zenawi.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda, ayaa waxay aaminsan yihiin in waloow isbeddel loo baahan yahay ay misna khalad noqon karto qaabka uu u wajahayo, iyagoo ku doodaya inay fiicnaan lahayd inuu marka hore fariisiyo siyaasadda gudaha oo tusaale ahaan qabto dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho.

Halka haddii gudaha lagusoo fasoco mucaarad ujeeddo badan ah, dalkuna uu ka dhexeeyo qaramo markii horeba sidii qobtol la iskugu kabay balse aan isku kalsoonayn ay taasi keeni karto inuu dalku kala googo’o ama uu dagaal sokeeye galo, tusaale ahaan, waxaa haatan muddo ay Oromadu weeraraysaa Soomaalida, wax muuqdana lagama qabanin.

Isku soo duuboo, marka aad eegto siyaasadda Cabbeey ayaan taxaddar badani ka muuqanin, marka la eego jidka taqliidiga ah ee ay ku socon jirtey siyaasadda Itoobiya iyo sida uu mar qura u doonayo inuu u warac geddiyo isagoon si deggan u dhex gelin hab-howleedyada ay daruuriga tahay in la helo si ay isula jaan qaadaan isbedellada uu damacsan yahay iyo dabciga dadyoowga kala nooca ah ee dusha laga saaray magaca Itoobiya.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed waves to supporters as he attends a rally in Addis Ababa, Ethiopia June 23, 2018. REUTERS/Stringer

Hadalsame Media