”Reer Muqdisho ha fahmaan halka uu dhibku ka haysto” – Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida

0

(Jigjiga) 12 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida Md Mustafa Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka soo noqnoqanaya ee magaalada Muqdisho.


Md Cagjar, ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan: ”Mar kasta oo Dhibaatooyin ka dhacaan Muqdisho aad ayaan uga murugoodaa, Walaalaha Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan ka codsanayaa in ay fahmaan meesha ay dhibtu ka heyso,” isagoo aan faahfaahin hadalkiisa.

Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay laba qarax oo lala eegtay xarumaha degmooyinka Hodan & Halwadaag, iyadoo aysan muuqanin qorshe weerarka dambe looga gaashaantay, mid farsamo iyo mid jireedba.

Hadalsame Media