KU BIIRI AQOONTAADA: Macluumaad ku saabsan dalal kala duwan oo dunida ah

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2018 – Hadalsame ujeedkiisu waa inuu akhristayaasha siiyaa macluumaad ku saabsan wadamada dunida, taasoo ka mid 3-da waajib ee ugu waawayn ee ay warbaahintu qabato.

1- South Sudan

Waa wadanka helay Celceliska ugu badan dadka Umiyiinta ah(waxna aana qorin, waxna aana aqrin) dunida, kaliyah 27% dadka u dhashay South Sudan ayaa awoodo in ay wax qoraan waxna akhriyaan.

2- Niger

Waa waddanka heysta dhallinyarada ugu badan Caalamka, 57% dadka u dhashay Niger waa dhalin yaro.

3- Holland

Waa wadanka dadkiisu ay ugu dhaadheeryihiin dunida, Celceliska dhererka ragga Dutch-ka ahi waa 182 CM, Dumarkana 170 CM.

4- Germany

Waa Waddanka ugu badan ee ciyaaray Final-ka Koobka Kubada Cagta Adduunka, tiro 8 jeer ah ayay ciyaareen German-ka ciyaarta Finalka, 4 jeer waa ay ku guulaysteen koobka 4 jeerna waa laga qaaday koobka.

Sidoo kale Germany waxaa ku taal kaniisadda ugu dhismaha dheer dunida waana kaniisadda Ulm Minster, dhererka dhismaha kaniisadaani waa 162 Mitir.

5- Belgium

Waa Waddanka qaada canshuurta ugu badan ee qofkiiba uu bixiyo dunida.

Waxaa Diyaariyay: Bashiir Axmed

Hadalsame Media