Hawlgal Millatari oo xalay dhacay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2018 Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helayay ciidamo ajaanib ah ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Mubaarak ee duleedka degmada Afgoye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkaan oo gaystay khasaare nafeed oo soo gaaray dhinacyada dagaalamay. Siday sheegayaan warar aan la xaqiijin oo ka soo baxay dhanka ururka Al-Shabaab waxaa dhintay labo askari oo ka mid ahaa kuwii weerarka qaaday.

Laaki war kaas ka duwan ayaa sheegaya in ciidamada weerarka qaaday oo adeegsanayay diyaarado helicoptero ah ay dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Hawlgalkaan ayaa u muuqda mid qorsheysan waxaana dadka deegaanku sheegeen inay maqleen xalay saqdii dhexe hub culus iyo qaraxyo waaweyn.

Mareykanka ayaa kordhiyay dullaanada tooska ah iyo kuwa dadban ee ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan Alqaacida.

Hadalsame Media