DAAWO: Inta qolo ee QULBAYSA qarannimada Somalia!

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2018 – Dalka Somalia oo ay qalalaase hubaysan oo qaran dumin ihi ka socdaan muddo haatan 40 sano ah, ayaa u muuqda dalka u afduuban isla dadkiisa.

Hadaba hal abuur Cabdulqaadir Cabdi Shube ayaa maanso si wanaagsan ugu cabiraya qolyaha diiddan qaranimada Somalia, kuwaasoo xeerinaya dan yar oo rakhiis ah oo aysan xitaa hubin inay kasban doonaan, maaddaama uusan jirin qof haysta caymis uu foowdo daa’inta kaga badbaadayo.

Wuxuu qolyahaa uu sheegay ka mid ah; kuwa xoolaha dadka haysta, kuwa tijaarul xarbiga ah ee aan xalaal iyo xaarani u kala soocnayn, NGO-yada danaha qalaad fuliya iyo kuwa ku lugta siyaasadaha ma dhalayska ah ee dalka dib uun u celinaya, sida hoggaamiye kooxaysiga iyo qolyaha diimaha kala sheeganaya.

Hadalsame Media