Xaaladda Cabdi Maxamed Cumar oo laga dayrinayo (Warar kala nooc ah oo kasoo baxaya)

0

(Adis Ababa) 10 Sebt 2018 – Warar aan weli si kama dambays ah loo hubinin oo ka imanaya dhanka Adis Ababa Itoobiya ayaa tibaaxaya inuu xaalad caafimaad oo halis ah ku sugan yahay madaxwaynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar.

Ninkan oo u xiran dowladda dhexe ee Itoobiya marna maxkamad lasoo taagey ayaa la sheegayaa in uu xanuunsanayay oo sidaa darteed isbitaal loo geeyay, waxaana markaa kaddib ay ilo ku dhow qoyskiisu sheegeen inay si uun iskugu dheceen ciidamadii ilaalinayay.

Warar kale ayaa sheegaya in jaranjar laga tuuray kaddibna la garaacay oo aan intaa loogu simine lagasoo tuuray meel dabaq ah weliba dabaqa 3-aad, iyadoo ay soo gaareen dhaawacyo culus, iyadoo la isku dhex wado inuu dhintay iyo in uu nool yahay.

Waloow aan wararkan la xaqiijin weli, misna Cabdi Maxamed ayaa noqonaya madaxwaynaha qura ee ka tirsan maamullada kilinnada Itoobiya hoos taga ee dacwad loo raacday, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay boqollaal Soomaali ah oo ay Oromadu laysay.

Hadalsame Media