”Wuxuu u qayliyay sidii bahal la cariyay!!” – Dayuuradda Qantas oo ay khasab ku noqotay arrin aan u qorshaynayn! (Maxaa dhacay?)

0

(Perth) 09 Sebt 2018 – Duullimaad aan joogsi lahayn oo ay dayuuradda Qantas uga duuli lahayd min Perth ilaa London ayay khasab ku noqotay inuu dib ugu laabto Galbeedka Australia, jeer uu jaray 2 saacadood uun oo ka tirsan 17 saacadood oo uu London ku tegi lahaa.

Mid ka mid ah rakaabka ayaa isagoo la hadlaya warsidaha PerthNow, sheegay inuu nin dayuuradda saarnaa mar qura istaagey isagoo ay ”caro ka muuqato isla markaana u qaylinaya sidii xayawaan la cariyay”.

Dayuuradda ayaa dib ugu laabatay Galbeedka Australia oo ay 2 saacadood kasoo maqnayd, waxaana garoonka ku sugayay Booliiska Federaalka Australia oo ninkii ka dejiyay.

Hadalsame Media