QIIMAYN: Qiyaas laga sameeyay natiijada lakala heli karo doorashada Sweden

0

(Stockholm) 09 Sebt 2018 – Xisbiga talada haya ee S ama Socialdemokraterna ayaa sameeyay hoos u dhac rikoodh jebis ah marka la eego muddo 100 sano ah, waloow uu weli yahay xisbiga ugu codad badan, halka uu SD ama Sverigedemokraterna oo ah xisbi soo galooti nacayb ihi uu noqday xisbiga 2-aad ee ugu wayn, marka la eego qiimayn hordhac ah oo la sameeyay.

Waxaa haatan la tirinayaa codadka iyadoo goobaha laga codeeynayay saacad ka hor lasoo xirey. Hilinka SVT ayaa codayn uu ka qaaday inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 15,000 waxaa kasoo baxday natiijadan:

  • Vänsterpartiet 9,0 boqolkiiba

  • Socialdemokraterna: 26,2 boqolkiiba

  • Miljöpartiet: 4,2 boqolkiiba

  • Centerpartiet: 8,9 boqolkiiba

  • Liberalerna: 5,5 boqolkiiba

  • Moderaterna: 17,8 boqolkiiba

  • Kristdemokraterna: 7,4 boqolkiiba

  • Sverigedemokraterna: 19,2 boqolkiiba

Marka la eego labada isbahaysi ee caadiyan xilka u tartama waxaa 0.2 laga sarreeyaa isbahaysiga Casaan Cagaarka ee xilka haya oo qiimaynta ka helay 39,4 boqolkiiba, halka xisbiyada Allianspartierna ay heleen 39,6 boqolkiiba.

Waxaa kasii horreeyay qiimayn uu sameeyay TV4 oo ay kasoo baxday tiro ay boqolleeyda qaabkan u kala heleen xisbiyadu:

  • Vänsterpartiet: 9,8 boqolkiiba

  • Socialdemokraterna: 25,4 boqolkiiba

  • Miljöpartiet: 5,8 boqolkiiba

  • Centerpartiet: 9,4 boqolkiiba

  • Kristdemokraterna: 6,6 boqolkiiba

  • Liberalerna: 5,7 boqolkiiba

  • Moderaterna: 18,4 boqolkiiba

  • Sverigedemokraterna: 16,3 boqolkiiba

Dhanka TV4, waxaa labada baloog u dhexeeya 0,9 ay ku horreeyaan isbahaysiga talada haya ee Rödgröna oo helay 41%, halka Alliansen ay heleen 40,1% marka codadkooda la isku biiriyo.

Natiijada doorashada kala soco Hadalsame haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media