DAAWO: Sidee shacabka Muqdisho u arkaan go’aankii Maamullada?

0

(Garoowe) 09 Sebt 2018 – Waxaa shalay shirkii maamul-goboleedyada ee ku shirsanaa magaalada Kismaayo kasoo baxay go’aano ay ka mid ahayd mid ay sheegeen inay si KMG ah xiriirka ugu jareen dowladda dhexe ee Somalia.

Go’aankaasi oo ay inta badan la yaab ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa wax laga waydiiyay qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho, kuwaasoo muujiyay sida ay u arkaan go’aanka kasoo baxay maamul-goboleedyada, waxaana laga dareemi karaa heer-kulka uu joogo dareenka shacabka oo u muuqda kuwa ka daaley siyaasadda middi middi ku taagta ah ee dalka la degtey.

”Maba ahayn inuu Madaxwayne Farmaajo ii imaada yiraahdo, waayo meel dambe oo lagu dhuunto ma jirto, waxaan qabaa in nimankaas cuna qabatayn la saaro.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka.

”Cunno unbay ku dirirayaane, mid umadda Soomaaliyeed u danaynaa ma jiro.” ayuu mid kale yiri.

Haddaba hoos ka DAAWO sida ay shacabka Muqdisho u arkaan go’aankaasi:

Hadalsame Media