Milkiilhihii AC Milan oo ay cayrsanayaan bankiyo uu qaamo badan ka qabo!

0

(Hong Kong) 06 Sebt 2018 – Milkiilihii hore ee AC Milan ee Yonghong Li ayaa sida lasoo werinaya waxaa cayrsanaya sharikad maalgelineed ka gadaal markii uu celin waayay lacag dhan €7m oo uu ka amaahday.

Ganacsadahan Chinese-ka ah ayaa kooxda Rossoneri la wareegey bishii Abriil sanaddii 2017-kii, balse waxaa xukunkii ka tuurtay shirkadda Maraykanka ah ee Elliott Management oo uu iyadana siin waayay lacag uu ka amaahday markii uu Milan iibsanayay, taasoo uu ku tilmaamay ”shirkad coomaad ah oo ugaarsata ah“.

Yeelkeede, Il Sole 24 Ore ayaa werinaya in aanu intaa ku dhamaan dhibkii ninkan oo ay haatan erayanayaan hay’aad iyo bankiyo kale oo uu qaamo badan ka qabo, waxaana ka mid ah lacag dhan €7m oo ay xaaskiisu damiin ka ahayd oo uu ka qaatay sharikad saldhigata Hong Kong oo la yiraahdo Teamway taasoo uu celin waayay xilligii loo qabtay.

Sida ku dhigan webkan, Li wuxuu gudey dulsaarkii amaahdan, balse ma bixinin raasumaalkii caadiga ahaa ee uu qabey, waxaana 15-kii bishii tagtay ee Agoosto Rossoneri Sport Investment loo diray warqad xusuusin ah.

Teamway ayaa la sheegayaa in ay haatan doonayso inay la wareegto hantidiisa ma guurtada ah, waxaana sidoo kale dacwadi uga furan tahay magaalada Milano, iyadoo la aaminsan yahay inuu khasaaray adduun dhan €400m oo euro.

Hadalsame Media