QIIMAYN: Xisbiga cunsriga ah ee SD oo kaalinta 1-aad galay

0

(Stockholm) 05 Sebt 2018 – Waxaa meel xasaasi ah maraya doodaha ku aaddan doorashada Sweden oo ugu dambayn qabsoomaysa 9-ka bisha Sebtembar.

Yeelkeede, xisbiga soo galootiga neceb ee Sverige Demokraterna (SD) ayaa markii 4-aad oo xiriir ah noqday xisbiga ugu wayn Sweden isagoo helay 24.8%, marka ugu yaraan wax lagu qaato qiimaynta Yougov oo tirakoobyada samaysa.

Xisbiga kusoo xiga waa midka haatan xilka haya ee Social Demokraterna (S), kaasoo kasbaday 23.8%, halka xisbiga Moderaterna (M), uu helay 16.5%.

Labada xisbi ee awal ugu waawaynaa Sweden ee S & M ayaa taageerada luminayay tan iyo doorashadii 2014-kii, markaasoo uu Social-ku helay 31%, halka Moderat-ku uu helay 23.3%.

Xisbiga qiimaynta bishan ugu liita waa xisbiga degaanka u dooda ee Cagaaranayaasha ama MiljöPartiet, kaasoo ka hoos maray kootada lagu galo baarlamanka Sweden oo ah 4%, wuxuuna helay 3.6%, isagoo ka hoos maray tiradii bishii hore oo ahayd 5.1%.

Hadalsame Media