Booliiska la dagaallanka argagixisada New York oo hareereeyay dayuurad uu Imaaraadku leeyahay + Sawirro

0

(New York) 05 Sebt 2018 – Ciidamada booliiska ee la dagaallanka argagixisada New York ayaa “baaraya” dayuurad ah nooca rakaabka ah oo ay leedahay Emirates oo ku sugan garoonka JFK ee New York, kaddib markii ay 500 qofi mar qura wada bukoodeen jeer uu hawada ku jirey duullimaadka oo ka yimid Dubai.

Emirates Airline Flight EK203 ayaa ka degey magaalada New York iyadoo ay markiiba kusoo xoomeen kooxaha gurmadka oo uu sii wargeliyay duuliyaha 1-aad oo u sheegay inay mar qura wada bukoodeen ilaa 500 00 rakaab ah oo lagu arkay qandho heelkulkeedu gaarayo  100 digrii Fahrenheit (37.7 C) iyadpp ay qaar badani qufac ku waasheen.

Dayuuradda oo ah nooca Yurub lagu sameeyo ee Airbus A380 ayaa waxaa mar qura saf dheer usoo galay dhoolliyaal ama bukaan la roor iyo gawaarida booliiska Port Authority Police iyo Waaxda ka hortagga Cudurrada ee (CDC).


Hadalsame Media