QORMO QOORAANSI MUDAN: ”Waxay igu naanaysi jireen DUGAAG” (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2018 – Aniga oo afar iyo toban jir ah ayaan maqlay hooyaday oo Daa’if lagu addoonsanayay iyaduna in ay geeriyootay, ma se maqal sababta dhimashadeeda, waxa aan se ogaaday in lagu dirqiyay in ay gaalowdo oo sanamyada carabta u tukato. Waxa aan rajaynayaa in ay rumaynta Eebbaha sarreeya qalbiga ka qirsanayd oo qarsanaysay.

Anigu labadayda waalid waxa aan ku dhaamay ninka i lahaa ee Jubeyr weligii igu ma dirqiyin in aan sanamyada caabudo. Wuu iga la hadli jiray oo igu hanuunin jiray, weligii se igu ma dirqiyin, sidaa darteed cibaadada Eebbe waan u madaxbannaanaa.

Goor walba waxa aan Ilaahay ka baryi jiray in uu faraj khayr leh ii furo, oo i gaadhsiiyo maalin aan xor ahay oo lee yahay qoys iyo ubad xor ah. Duruufaha igu xeeran kolka aan eego sida ay taasi u suurtoobi karto waan ka shakiyi jiray, haddana waxa aan hubay Rabbi wax walba in uu awoodo dunidana wax waliba suurtoobaan.

Dabadeed sidii loo joogay Maka waxaa ka bilawday qalalaase ka dhashay sanamyadii la caabudi jiray oo la isku khilaafay. Nin la yidhaahdo Maxamed bin Cabdillaahi oo ka dhashay mid ka mid ah qoysaska Qureesh ugu sarreeya ayaa isla soo taagay cibaadada sanamyadu in ay tahay baaddil ee la caabudo Ilaaha weyn ee waaxidka ah. Arrintu waxa ay abuurtay argagax iyo sas, taladii iyo midnimadii carbeed ayay ka la tuurtay, waxaana loo qaybsamay laba col oo aan isbixin.

Ninkan Jubeyr ee aniga i addoonsada sidii aan xusay rumaynta sanamyada ku ma uu fogayn, laakiin haddana waxa uu ka mid noqday dadka Maxamed colaadiyay. Isaga arrimaha diinta ee la isku hayo waxaa ka la weynayd midnimada Qureesheed iyo nabaddeeda. Sidaa darteed Jubeyr bilawgii ma ahayn dadka jiidda hore ka galay cadaadinta diinta cusub, waxa uu se nacayb xumi galay goor dambe.

Maxamed wuu ka kudaalay Maka, waxa uuna degay magaalada Yatrib oo kolkaa ka dib loo bixiyay Madiina. Dabadeed Qureeshi waxa ay noqotay laba awoodood oo isu tookhaya. Aad baan uga fekeray in aan baxsado oo xerta Maxamed ku biiro, waan se isku aammini waayay, waayo waxa aan u arkayay koox yar oo dhowaan iska baabbi’i doonta. Weli se aniga oo tashigaa ku jira ayay arrin weyni soo korodhay. Waxaa dhacay dagaalkii Badar, goobtaas ayayna taariikhdii carbeed iyo taydii qof ahaaneedba isku beddeleen.

Ceelkaa Badar la yidhaahdo waxa ay muslinku ku gawraceen hormuudkii Maka intoodii badnayd, waxaana dhacdadaa ka beerantay utun aad u xun. Ragga ay maalintaa muslinku qudha ka jareen waxaa ka mid ahaa Duceyma oo adeer u ahaa ninka aniga i haystay ee la odhan jiray Jubeyr. Jubeyr dilka adeerkii aad iyo aad buu uga murugooday, waxa uuna Qureesh horteeda nidar kaga galay in uu u aari doono.

Ha ahaatee Jubeyr ma ahayn nin dagaalyahannimo lagu yaqaannay, isla markaa waxa uu ahaa jidh ahaan nin itaal yar. Magaciisa oo dhami waxa uu ku taagnaa dhaqaalihiisa oo wanaagsanaa.

Qureeyshtii reer maka waxa ay guddoonsatay duullaan ay ku qaaddo Madiina iyo jabhadda Maxamed (CSW) si ay ugu soo aarto raggii qiimiga badnaa ee Badar lagaga laayay. Dhacdo walba oo degmada iyo dunidaba ku soo korodha anigu waxa aan ka dhex eegaa oo keliya aayahayga iyo xorriyaddayda waxa uga soo bixi kara. Rag sidayda addoon ahaa, oo Bilaal kii Xabashiyeed ka mid yahay, ayaa aayahooda saaray halganka Maxamed. Anigu se ninkaa fallaagoobay ee magacii iyo diintii Qureesheed ka baxay waxa aan u arkay nin guuldarro u qoran tahay. Dhanka kalena anigaba diintaydii iyo Kitaabkaygii Qudduuska ahaa waxa uu ku sheegay wax la halabuuray oo la dooriyay. Waan se gefsanaa ee raggii bilawgii raacay baa iga aayo roonaaday.

La soco qaybta 4-aad…

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Hadalsame Media