Muxuu TURKIGU samayn karaa kaddib 2023-ka? (Arag waxyaabaha ay reer Galbeedku ka baqayaan?)

0

(Hadalsame Media) 03 Sebt 2018 – Waxaannu shalay soo qaadannay shuruudo dhowr ah oo aannu ka xusnay kuwii ugu xumaa oo woxoogaa kaddib dhamaadkii Dagaalkii 1-aad ee dunida ay quwadaha reer Galbeedka oo dagaalkaa ku guulaystay ay dul dhigeen Jamhuuriyadda Turkiga, kaasoo ah heshiis 100 sano ah oo cadaalad darro ah.

Yeelkeede, heshiiskaasi oo la saxiixay 1923-kii wuxuu dhacayaa 2023-ka, waxayna su’aashu tahay maxay Turkigu markaa kaddib fali doonaan? Ma dhulalkii berigaa laga qaaday ayay dib u sheegan doonaan sida Mosul oo saliid badan laga helay, balse Turkiga hoos tegeysay tan iyo 1534-kii oo uu xilka hayay Suleiman al-Kanoni, ilaa Dagaalkii 1-aad ee dunida iwm? Iyadoo durba la dareemayo dhaqdhaqaaqa reer Galbeedka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Maraykanka.

WAXYAABAHA AY SAMAYN KARTO WAXAA KA MID AH:

In ay Turkigu bilaabaan inay saliid ka baaraan dalkooda oo saliid laga heli karo, iyagoo markaa ku biiraya dalalka lacagaha badan ka hela dhoofka saliidda, inay lacag khidmo ah ka qaadaan maraakiibta ka gudubta marin biyoodka Bosfoor ama Bosphorus Strait.

In ay hilin biyood cusub oo u dhigma midka Suways ama Panama ka jeexaan inta u dhaxaysa Badda Madoow (Black Sea) iyo Bad Yarada Marmara, kuwaasoo Turkey looga mamnuucay Heshiiskii Luusaan (Lausanne Treaty), waxaa kale oo ugu daran inuu Turkigu dib u sheegan karo dhulalkii badnaa ee laga qaaday ee laga siiyay Romania, Bulgaria, Giriigga, Qubrus, Ciraaq, Suuriya, Armenia iyo jasaa’ir fara badan.

Dalal badan oo Galbeedka ah ayaa durba bilaabay inay arrintaa ka walaacaan, gaar ahaan Mosul oo ah meel saliid fara badani ceegaagto oo haatan hoos tagta dalka Ciraaq, balse Turkiga ka tirsanayd muddo 400 sanadood ah, kahor Dagaalkii 1-aad ee dunida.

MAXAA TURKIGA KU KHASBAY SAXIIXA HESHIISKAN?

Dad badan ayaa sidoo kale is waydiinaya waxa Turkiga ku khasbay inuu heshiiskan ixtiraamo, maaddaama uu Jarmalkuba tuuray heshiis midkan u ekaa oo la oran jirey Heshiiskii Versailles (Versailles Treaty) 20 sano uun kaddib markii Paris lagu saxiixay 28-kii Juun, 1919-kii?

Yeelkeede, marka la eego duruufihii ku xeernaa Turkiga xilligaas iyo xitaa maanta waxaa la garan karaa inuu Turkigu yahay, dal kaligii ku noqday u babac dhigidda reer Galbeedka oo iyagu ah awood isku xiran dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan, siyaasad ahaan iyo caskari ahaanba, taasoo khasab Turkiga kaga dhigtay inuu ishiisa qaato oo wax badan ka tanaasulo, si aan laftiisa loo qabsanin kaddib burburkii Khilaafadii Cusmaaniyiinta oo Carabta loo adeegsadey burburkeeda oo deeto keenay in la gumaysto dunida Muslimka.

Hadalsame Media