SHURUUDO XANUUN BADAN: Maxay tahay sababta ay reer Galbeedku u daba dhigteen Turkiga? (Maxaa se ku duugan sanadka 2023?)

0

(Hadalsame Media) 02 Sebt 2018 – Su’aasha 1-aadi waxay tahay: ”Waa maxay sababta uu Madaxweyne Erdogan inta badan uga hadlo Sannadka 2023?!”

Waa maxay sababta ay reer Yurub guud ahaan gaar ahaan Jarmalka ay cabsi iyo welwel uga qabaan sanadka 2023?! Heshiiskaas oo Turkiga lagu khasbay inuu saxiixo jeer uusan dookh kale lahayn, oo ay xitaa miiska saarayd in isaga la qabsado oo la gumaysto kaddib burburkii Cusmaaniyadda.

Mutafa Kamaal Ataturki, oo ahaa Madaxwaynihi ugu horreeyey ee Turkiga Jamhuuriga ah, kaddib dhicitaanka Khilaafadi Cusmaaniyadda oo ay reer Yurub isaga u adeegsadeen burburinteeda ayaa waxaa laga saxeexay heshiis loogu magac daray Lousane 1923 (Treaty of Lausanne) heshiiskaasi wuxuu soconayay mudo 100 sano ah, wuxuuna dhicitaanka heshiiskaas ku beegan yahay sannadku marka uu yahay 2023-ka oo naga xigto 5 sano uun haddii ALLE idmo. Halkan ka akhri sheekada oo Ingiriisi ah.

Dalka Britain oo wakiil ka ahaa xulufadiisi ku guuleysatay dagaalkii koowaad ee dunida ayaa dajiyey heshiiskaan oo lala galay Kamaal Ataturki.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ahaa:

1. In meesha laga saaro Khilaafada Cusmaaniyada, suldaanka iyo qoyskiisana Turkiga laga musaafuriyo.

2. In la soo wareejiyo guud ahaan hantidii Khilaafada iyo Suldaanka.

3. In lagu dhawaaqo in ay dowladdu tahay dowlad cilmaaniyad ah oo lakala saaro diinta iyo dowladda oo aan shaqo isku yeelanaynin.

4. In ay mamnuuc tahay in uu Turkiga shidaal la soo baxo. In uu soo degsado oo kaliya ayaa loo ogolyahay. Waxaa kale oo Turkiga lagala wareegay dhulal badan oo uu isagu lahaa qaarna xukumayay, iyadoo loo sameeyay khariidadda maanta.

5. In gacanka Bosfoor (Bosporus) uu noqdo marin caalami ah oo uusan Turkigu wax lacag ah ka qaadan doomaha mara (gacanka boosfor wuxuu isku xiraa badda madow iyo badda Marmara ilaa iyo badda dhexe), waa gacan u dhigmo gacanka Suweys, waxaa kale oo loo yaqaannaa gacanka Istanbuul, wuxuuna magaalada istanbuul u qaybiyaa laba dacal, dacalka Yurub iyo dacalka Eeshiya.

Heshiiskaan wuxuu ku egyahay Sannadka 2023-ka markaas oo uu boqol sano jirsan doono, iyadoo ay Galbeedku ka welwelsan yihiin inuu Turkigu soo nooleeyo Khilaafadii Cusmaaniyadda.

Hadda ayaad fahmi kartaa sababta uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rejep Tayyib Erdogon ugu celceliyo in Sannadka 2023-ka uu dhalan doono Turki cusub, oo uu Turkigu la soo bixi doono shidaalkiisa, oo la samayn doono gacan biyood cusub oo isku xiri doona Badda Madoow iyo Badda Marmara, iyada oo la billaabi doono in lacag laga qaado doomaha mari doona marin biyoodkan aadka muhiimka u ah.

Sax, hadda waxa aad fahamtay sababta ay reer Galbeedka dagaalka xun mar qura ugu qaadeen Turkiga.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed H. Biikole.

Hadalsame Media