UEFA oo fikir dheer kaddib u furan adeegsiga VAR (Goorma?)

0

(Nyon) 31 Agoosto 2018 – Guddoonka UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa xaqiijiyay inay jiri doonto suurtagalnimo wayn oo ku aaddan inay mar aan dheerayn adeegsadaan muuqaalka garsooraha caawiya ee VAR, oo xitaa loo adeegsan karo qaybaha dambe ee Champions League sanadkan.

Ceferin ayaa diidey warar hore oo sheegayay in VAR loo adeegsan doono wixii ka bilowda rubuc-dhamaadka Champions League, balse madaxa UEFA ayaa u sheegay Gazzetta dello Sport: “Meesha kama saarayo in la isticmaali karo dhamaadka fasalkan, balse iminka uma muuqato inay sidaasi dhici doonto.

“Weli wax la dhagax dhigay ma jiraan, laakiin qorshuhu waa in la isticmaalo koobka UEFA Super Cup, kaddibna kulamada kala baxa ah ee Champions League, inta aan heerka guruubyada loosoo bixin. VAR weli ma cadda xaalkiisu, balse dib looma noqon karo.” ayuu yiri Ceferin oo sheegay in KA2018 uu Var si fiican u shaqeeyay.

Hadalsame Media