”Ilaa hadda waa u qaadan la’ahay Gattuso oo tababare ah” – Cafu

0

(Milano) 31 Agoosto 2018 – Cafu ayaa sheegay in ay ”la yaab tahay” in saaxiibkii Gennaro Gattuso uu yahay macallinka AC Milan, isagoo rajeeyay in labadiisii kooxood ee Milan iyo Roma ay barbarro ku kala baxaan caawa.

Cafu ayaa Gattuso ka garab ciyaarayay min 2003 ilaa 2008 balse taasi waxay timid kaddib 7 sanadood oo uu kusoo qaatay kooxda AS Roma, wuxuuna fikir ka dhiibtey kulanka adag ee caawa San Siro ku dhexmaraya kooxihiisii hore.

“Gattuso oo macallin ah runtii waa la yaab. Weli waa la qabsan la’ahay!” ayuu si fur caddaan ah ugu sheegay Gazzeta dello Sport.

“Yeelkeede, waa ku faraxsan ahay, sida aan ugu faraxsan ahay Di Francesco oo Roma wada. Ma aqaanno mid aan la jiro. Waxaan rajaynayaa inay bareejo ku dhamaato, balse waa inaysan taasi marmarsiinyo u noqonin ka haritaanka hardanka Scudetto.” ayuu yiri Cafu.

Hadalsame Media