Muxuu Ronaldo uga maqnaa munaasabaddii Monte Carlo? (Qish la helay)

0

(Monaco) 30 Agoosto 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa mar qura laga tebey munaasabaddii lagu sameeynayay isku aadka Champions League, waloow jookarka Juventus loo magacaabay weerarkii tartankana waxaa xiddigga sanad-ciyaareedka la tegey Luka Modric.

Dadka ciyaaraha la socda ayaana is waydiiyay inay taa tahay sababta uu Ronaldo uga maqnaaday Monte Carlo, waxaase fikraddaa sii qurxiyay wakiilkiisa Jorge Mendes oo uu warkiisu u muuqdey in uu wiilka reer Portuguese sababtaa u maqnaa.

“Kubadda waxaa lagu dheelaa garoonka, waana halkaa meesha uu Ronaldo ku guulaystay. Wuxuu dhaliyay 15 gool, isagoo dhabarka ku sidey Real Madrid oo uu Champions League u qaad qaaday.” ayuu yiri.

“Waa wax lagu qoslo oo ceeb ah. Guulaystuhu shaki kuma jiro, maaddaama uu Ronaldo yahay ninka ugu fiican booskiisa.” ayuu raaciyay.

Agaasimaha Guud ee Juventus ayaa isna arrintan ka hadlay. “Waxaan dhihi karaa waa go’aan shakhsi ah wuxuuna qaatay saakadii hore, waan se ka xumahay inuusan imaanin oo uusan abaalmarintiisa qaadanin,” ayuu yiri Beppe Marotta oo u warramayay Sky Sport Italia.

”Waxay ahayd bandhiggii Champions League ee ma ahayn Koobka Adduunka 2018, marka waxaan qabnaa inuu Ronaldo u qalmey.” ayuu raaciyay Peppe.

Wararkan waxaa lagala dhex bixi karaa in uusan Ronaldo ku qanacsanayn go’aanka UEFA oo aan siinnin xiddigga guud tartanka CL ee sanadkii hore.

Hadalsame Media