”Ma adigaa hawadeenna difaacaya?!!” – Turkiga oo markale diidey amarkii Maraykanka!

0

(Ankara) 30 Agoosto 2018 – Ankara ayaa markale ku celisey inaysan u hogan doonin handadaadda Maraykanka isla markaana aysan baabi’in doonin heshiiska ay Ruushka ugasoo iibsanayso gantaalaha qabtayaasha ah ee S-400, iyadoo Washington ugu baaqday inay hakiso “luuqadda handadaaddu ku jirto.”

Turkey ayaa ku dheggan qorshaha uu kusoo iibsanayo laba qaybood oo ah ah hannaanka casriga ah ee difaaca hawada ee Ruush sameega ah ee S-400 oo ah gantaalo dhul-ka-cir ah, oo Turkiga soo gaaraya horraanta 2019, sida uu sheegay wasiir dibadeedka Turkiga Mevlut Çavuşoğlu.

Russian S-400 air defence missile systems deployed at the Hmeimim airbase in Syria © Russian Defence Ministry
Maraykanka ayaa aad uga qayliyay in Turkigu uu gantaalahan iibsado.

“Waa inaan hawadeenna difaacnaa. Taasi waa nagu waajib, waana inay (Maraykanku) taa fahmaan?” ayuu diblomaasigan sare ee Çavuşoğlu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Lithuania, isagoo sheegay in ay hubkan doonteen kaddib markii uu Maraykanku u diidey inuu ka iibiyo hannaanka difaaca cirka uu isagu sameeyo ee Patriot-ka.

Hadalsame Media