Dukaamo ganacsi oo lagu boobay Koonfur Afrika

0

(Heidelberg) 29 Agoosto 2018 – Dukaamo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato ajaanib ah oo lagu boobay Degaanka Ratanda, ee hoos taga degmada Heidelberg Ee Gobolka Gauteng Ee Dalka K/Afrika.

Sida uu daabacay wargeeyska News24 ee Koonfur Afrika dad careeysan ayaa boobay dukaamo ajaanib leeyihiin iyo guryo ay dad shacab ah daganayeen Degaanka Ratanda kadibna waxay dab qabadsiyeen dhismayaasha degaanka ah iyo ganacsiyada.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa ka careeysan Koronto la’aan degaankooda maalma badan ka jirtay sida uu sheegayo, afhayeenka booliska kabtan Thivhulawi Tshilate, waxaana uu xusay in ay ku dadaalayaan in ay xaalada dajiyaan.

Wixii warar ah ee kuso kordhaa xiisada oo wali halkaas ka taagan dib ayaan idiin kala so socodsiin doona haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media