QISO DHAB AH: Waardiye baabuur bilyanneer isu beddeley! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2018 – Jawaabtaas waxa ay noqatay mid saameysay Chang, go’aan ayuuna ku gaaray in uu ka ganacsado dharka lkn dhibka jiray wax uu ahaa waxba kama uusan aqoon ka ganacsiga dharka. Hadaba Do Won Chang siduu ku xaliyay mushkiladaan!!. Halkan ka akhri qaybtii 1-aad

Waxa uu bilaabay in uu baaro oo uu aqriyo waxkasta oo laga qoray ka ganacsiga dharka oo ku qoran Luuqada Kuuriya iyo in uu dajiyo qorshooyin dhaxal gal ah, 4 sano ayayna ku qaadatay arinkan.

Intaa kadib Chang iyo xaaskiisa waxaa u suurto gashay in Dukaan yar oo dhar lagu iibiyo ay ka furaan xaafada Highland Park oo ka tirsan Los angeles xaafadaas oo ahayd mid ay ku noolaayeen dadka dan yarta ah.

Waxaa jirtay hal arin oo Do Won Chang kadis ku noqatay oo uu aad uga murugooday taas oo ah in halka uu ka furay ganacsigiisa ay ku yaaleen hortiis lix Dukaan oo dhar lagu iibiyo kuwaas oo iskaga guuray goobta kadib fashil ku yimid ganacsigooda.

Ma uusan ahayn arinkaas mid u wanaagsan dhagaha Chang lkn wax uu ahaa mid karti badan, ma uusan is dhiibin, dhulka isma dhigin, nin caaqil ahna waa uu ahaa, waxa uu wax ka bartay waxa sababay fashilkii ku yimid ganacsiga lixdii sxb, waxa uuna ogaaday in dhibka ugu weyn ee macaamiisha ay tabanaayaan uu yahay qiimaha dharka oo aad u sareeyo, waxa uu keenay dhar qiimihuusu uu munaasib yahay, $100 ayuu maalintii qaban jiray.

Sanadkiisii ugu horeeyay Chang waxa uu helay $30,000(Sodon kun oo doolar), ganacsigiisu waa uu sii koraayay marba marka ka dambeyso ilaa faaidada uu helay ay gaartay $700,000(Todobo boqol oo kun oo doolar) waxa uuna ogaday in uu hayo wadadii guusha ee ganacsigiisa.

Shan sano kadib bilaawgii ganacsigiisa Do Won Chang waxa uu ahaa mid leh 11 Dukaan oo America ku yaalay, halka maantana ay u shaqeeyan in ka badan 38,000(Sodon iyo sideed kun) oo shaqaale, waxa uu leeyahay in ka badan 700 oo Dukaan oo dunida ku yaal, ganacsigiisa waxa uu gaaray Afrika, Aasiya, Yurub iyo America, dhaqaalaha uu heystana waxa uu gaarayaa $3.2 Billion.

Qiimaha guriga uu deganyahay Chang waa $17 Million waxa uuna ku yeel mid ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan mareykanka oo lagu magacaabo Beverly Hills. Si kasta oo uu Billionair u noqday, Chang ma aysan kala tagin xaaskiisa oo waa kuwo isla soo qeybsaday dhib badan iminkana isla qaadanaya nolol heer sare ah.

Soomaalidu horay bey u tiri “Dadaalaa waa uu gaaraa”, riyo kasta oo aad leedahayna waad rumeyn kartaa hadii aad si adag u shaqeyso oo aad la imaato dadaal dhab ah meelna aad iska dhigto cudur daar oo dhan.

Dhamaad…

W; Diyaariyay: Bashiir Axmed

Hadalsame Media