MATA HARI: ”Shaydaamaddii muuqaalka dumar lahayd!!”

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2018 – Matta Hari oo magaceeda asalka ahaa “Margareta Geertruida Zelle”, 7 Agoosto 1876-kii ayay ku dhalatay wadanka Netherlands, waxa ay ahayd basaasaddii ugu casrisaneyd sooyaalka, iyadoo aad u taqaanay qoob ka ciyaarka looguna yeeri jiray, ”Shaydaamaddii muuqaalka dumar laheyd”. Quruxdadeeda xad dhaafka ixi waxa ay aheyd mid soo jiidata dadka, gaar ahaan ragga oo isha ku heyn jirey.

20 gu’ iyadoo jirta ayay la aqal gashay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Holland waxayna u baqooleen ama u guureen dhanka waddanka Indonesia halkaa oo ay kusoo baratay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka bariga Caalamka, ninkaa ciidanka ahaa oo ay wada joogeena waxay u dhashay laba caruur ah oo lagu kala magacaabayay, Norman Jonh iyo Macleod Son, ninkeedu waxa uu ahaa mid aad khamriga u caba iyo maandooriyaasha kaleba, iyaduna waxay caado ka dhigatay hagar daamooyin dhanka sariirta ah oo ay ku kici jirtay.

Waxa ay sii joogteysay baritaanka qoob ka ciyaarka oo ay ku ilowday noloshii qoysnimada , muddo kaddib ayey u guurtay magaaladda Paris isbadel weyn ayey ku sameysay hab nololeedkeeda, iyadoo markii ay halkaa tagtay la baxday magac-beenaadka foojariga ah ee “Matta Hari ” markii ay masraxyadda ka ciyaareysana ku caan baxday qaawanaan, muddo koobanna ku noqotay mid caan ka ah qaaradda Yurub.

Jeer ay ku sugnayd magaaladda Paris ayay usoo bandhigeen mukhaabaradka Jarmalku, inay la shaqeyso, taas oo ay si deg deg ah u aqbashay, tallaabo ayey u qaaday xiriir ay la yeelato madax sare oo ka tirsan saraakiisha ciidamadda, xogaha ay halkaa ka heshana waxa ay u gudbin jirtay dhanka sirdoonka Jarmalka, masuuliyiin ka tirsan sirdoonka France ayaa shaki ka muujiyey waxaana la saaray maxkamad oo ay horteeda ka qiratay ineysan wax dambi ah laheyn, diyaarna ay u tahay inay la shaqeyso sirdoonka France oo ay heyso macluumaad muhiim ah oo dhanka Jarmalka ah, sidaa oo markii dambe lagu sii daayey.

Iyadoo basaas laba kaarle ah matta hari waxaa ka war helay Madax sare oo kamid ah sirdoonka jarmalka oo dhabaha u xaaray wadadii ay uga aargoosan lahaayen inantaa khiyaameysay, iyagoo khudbado ay ku durayaan inan taa khiyaamoyin keeda si dad ban ugu jeedinayey France, waxaana la qabatay markale oo laga helay macluumaad dhanka Jarmalka ay u gubisay taa oo ay ku andacootay inaysan dembi gelin, laakiin laga diiday oo maxkamad la geeyey lana toogtey indheheeda oo aanay wax dabool ah saarnayn 15 Oktoobar, 1917-kii.

Matta Hari Hadalkii ugu dambeeyey oo ay ka tag tay ayaa ahaa iney san wax dambi ah gelin oo Quruxdeeda darteed loo dilayo.

W; Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media