LA YAAB: Guurkii & furriinkii ugu dhaqsaha badnaa Adduunka!!

0
The Metro Manila skyline with its towering commercial and residential buildings, depicts a photo of continued economic progress. But the National Economic and Development Authority (Neda) warned that if the country’s power supply will remain unstable, the Philippines’s export growth may be affected for the rest of 2014. (Photo by Jacqueline Hernandez)

(Manila) 27 Agoosto 2018 – Warbaahinta caalamka qaar kood ayaa baahiyey in lamaane u dhashay dalka Philiphines ay noqdeen kuwa sameyey guurkii iyo furriinkii ugu deg degga badnaa. Waxay sheegeen in gabar gashaanti ah ay nin ay is barteen xili ay ku beegnayd 1:30 duhurnimo, kadibna ay ku heshiiyeen inay isla maalintaa is guursadaan.

Waxaana wiilku gabadha ka doontay reerkooda saacadu markay ahayd 3:30 galabnimo, meherka gabadha ayaa isna dhacay 7:00 fiidnimo, halkaana waxaa ku dhameys tirmay guur koodi.

Yeelkeede, sida lagu warramay nus saac kaddib ayuu khilaaf xooggani soo kala dhex galay lamaanaha, iyagoo ku heshiin waayey waxa uu noqonayo aqal-galkoodu iyo wada noolaanshahooda.

Markii la is mari waayey ayay gabadhii maxkamad u dacwootey oo dalbatay in laga furo ninkaan oo aysan dooneyn, waxaana guurkaa iyo furriinkaba loo aqoonsaday ama loo diiwaan geliyey kii dunida ugu dhaqsaha badnaa!!

W; Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media