IMTIXAAN & ILDUUF: Duul ku wada daaley dood daallan oo soo bilaabatay iyagoon dunida joogin!!

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2018 – Arday ayaa loo qaybiyey waraaqihii imtixaanka. Waxaa lagu yirii qolkaas gala oo ka soo shaqeeya su’aalaha ku yaal warqadda, markii waqtigu idinka dhamaado waa la idiin yeerayaa. Ardaydu waxay xiran yihiin dhar kala midab ah.

Markay qolkii imtixaanka galeen, waxay ugu tageen arday kaga soo horraysay oo qaar imtixaankii ka shaqaynayaan, qaarna isku haystaan kuraasta daaqadaha u dhaw ee iftiinka leh, qaar kalena ku murmayaan meesha qoraalka laga bilaabayo, waqtiga imtixaanka ka dhiman iyo arrimo kale. Waxaa kaloo jirey qaar aan iyagu is hawlin oo iska daawanayey noocyada kala duwan ee kuraasta, gidaarada iyo daaqadaha.

Ardaydii soo gashay waxay u kala qaybsameen kuwo si degdeg ah u bilaabay inay ka shaqeeyaan imtixaankii, kuwo la kala saftay qolyihii meesha isku haystay iyagoo ku kala dooranaya oo midabka dharkooda.

Muranku marna waa qaboobayey marna gacan qaad ayuu gaarayey, kuwa imtixaanka ka shaqaynaya waxay ku dhibbanayeen qaylada aanay wax ka qori karin iyo in marmarka qaar la iskula soo dul dhacayey, marka qaarna waxaasba uma jixinjixayn oo shaqadooday iska wateen qaarna xanaaqaa ka keenayey inay la kala saftaan kooxaha is haya. Qaar kalena qofkii soo ag maraba si aanu uga qasin imtixaanka ayey nabar xoog leh oo mar aamusiya ama suuxiya la helayeen.

Arday caaqil ah ayaa yiri: Dadka adduunka gaar ahaan Soomaalidu waa dadka qolkaan ku jira oo kale. Nolosha qasadkeedii lama wada hayo, dadka qaarkood muran qabiil oo soo bilawday intaanay dhalan ka hor ayey meeshii uu marayey kala qabsadeen, waxay ku illaaween noloshoodii. Noloshoodu waxay dhammaan doontaa murankaas oo weli socda.

W; Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media