Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

0

(Moqdisho) 20 Agoosto 2018 – Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in xubno dhawr ah laga ceyriyey xubnimadoodii golaha fulinta ee Xisbiga Ismaamulka killinka Shanaad.

Ka gadaal kulan ay yeesheen xubnaha ugu sareeya xisbiga ka arirmiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la isku raacay in xisbiga laga saaro saddex xubnood oo ku ku eedeysan in ay ku luglahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacay magaalooyin ka tirsan ismaamulka Soomaalida.

Axmed Shide oo ah guddoomiyeha Xisbiga oo shir ku qabtay Addis ababa, kaddib gabagabadii ayaa sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyey in xisbigu go’aansaday in tallaaabo laga qaaday cid kasta oo qeyb ka noqotay kicinta bulshada iyo rabashadii dhimashada sababay iyo boobkii ee ka dhacay deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

MR. Shide ma uusan sheegin magacyada xubnaha isku darkoodu gaarayo 11ka ruux ee laga saaray golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga.

Hadalsame Media