Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2018 – Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay meel u dhaw degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Hadalsame Media in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab weerareen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin halka lagu magacaabo lambar labaatan oo u dhow Balcad.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa wariyey dhimashada laba ruux oo ka tirsanaa dhinacyada dagaalamay.

Millateriga Soomaaliya ayaa dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyey ku jiray howlgallo ka dhan ah Al Shabaab gaar ahaan gobolladda Shabeellooyinka.

Hadalsame Media