Tuulo dhan oo dadkii ku noolaa XABSI la dhigay!! + Sawirro (Ogoow sababta)

0

(Ngolo) 19 Agoosto 2018 – Booliiska Tanzania ayaa sheegay inuu xabsiga dhigayo dadka ku nool tuulo dhan oo ku taalla koonfurta dalkaasi, kaddib markii lagu eedeeyay inay burburiyeen tubbo biyeed.

Degganayaasha tuulada Ngolo ayaa ku eedaysan in ay si ula kac ah u burburiyeen tubbo biyaha gaysa degaan ay deris yihiin oo ku yaalla gobolla Mbeya.

Barasaabka Albert Chalamila ayaa “amar ku bixiyay in lasoo qabto dhamaanba dadka deggan tuulada, iyadoo aan la eegin xaaladda ay ku sugan yihiin,” waxaana si taa looga jawaabo tuulada ku yaacay gawaari sidey ciidamo booliis ah oo burar ku hubaysan oo dadkii qabqabtay, sida uu sheegay taliyaha ciidamada gobolka Ulrich Matei.

“Waxay galeen dembi kharribaad ah. Dowladdu waxay lacag badan ku bixisay dhisidda tubbooyinkan iyaguna waa burburiyeen! Taa ma aqbali karno,” ayuu yiri Matie.

Kaaga darane, tuuladan oo ay ku nool yihiin ilaa 16,00 oo qof ayaa ku taalla degaan ay biyuhu had iyo goor gabaabsi ku yihiin.

Hadalsame Media