Kismaayo: Dadaalo lagu xalinayo dagaal beeleed dhiig badan ku daatay.

0

(Mogadishu) 18 Agoosto 2018 – Isku day lagu xalinayo dagaal beeleed dhiig badan ku daatay ayaa ka socda Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose.

Colaadaan oo u dhaxeysay laba beelood oo walaalo ah ayaa ka taagneed maalmahan tuulooyin iyo dhul daaqsin ku dhaw Magaaladda Kismaayo oo hadda xarun u ah Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 50 ruux ayaa la xaqiijiyey in labada dhinac ay iska dileen waxaana xurguftaani ku saabsan tahay Ceelal-biyoodyo ku yaala dhinac galbeed ee magaalada Kismaayo

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay kala dhexgaleen Maleeshiyaadka labada Beelood iyadoo hadda ay socdaan dib u heshiisiin laga dhex wado dhinacyada dagaalamay.

Dadka Xoola dhaqata ah ayaa timid waxaa caado u ah inay ku dagaalamaan daaqsinka iyo ceelal biyoodyada oo qolaba tan kale ka riixato.

Hadalsame Media