ISHA WAYN: Google oo lagu qabtay arrin uu ku KHIYAAMI jirey dadka isticmaala!

0

(Santa Clara County) 17 Agoosto 2018 – Google ayaa xaqiijiyay ayaa qirtay inay ogaan karto meesha uu qofku joogo, xitaa haddii uu damiyo app-ka sheegaya “meesha uu joogo” kaasoo ay dib u daari karaan qofka oo aan ogayn.

Warkan ayaa yimi maalin uun kaddib markii ay soo baxday natiijada baaritaan ay samaysay AP, taasoo khasab ka dhigtay inay Google haatan ku dhawaaqdo inay arrintaa bedeshey.

Markii hore waxaa bogga Google ka muuqan jirey qoraal u dhigan in “in marka uu qofku damiyo taariikhda meesha uu joogo, inaan la diiwaan gelinaynin meesha uu markaa kaddib booqday,” taasoo ay kaga been sheegayeen sir u qarsoon oo ah inay weli ogyihiin meesha uu qofku joogo xitaa haddii uu badhankaa OFF gareeyo.

Wakaaladda Wararka Maraykanka ee AP ayaa se arrintan ku fashilisay warbixin ay soo saartay kaddib baaritaan ay samaysay, waxayna u kuurgashay arrinta K. Shankari, oo ah cilmi baare ka qalin jebisey University of California Berkeley, iyadoo ogaatey in la diiwaan geliyay dukaamaysi ay samaysay jeer uu ka xirnaa badhanka sheegaya meesha ay joogto, waxaana baarista AP sii xaqiijiyay cilmi baarayaal ku xeel dheer maaddada computer-science oo ka tirsan Princeton University.

Hadalsame Media