FALANQAYN: Sirta ka dambaysa iyo danta uu Sucuudigu ka lahaa kicinta xiisadda diblomaasiyadeed ee Kanada!!

0

(Riyaad) 17 Agoosto 2018 – Waxaa in badan filanwaa ku noqday go’aanki ay Sacuudigu wadankeeda ugu saartay safiirka Kanada, ku soo celisay kumanaan arday oo wax ku baran jiray waddankan waqooyi ka xiga Ameerika, kuna laashay ganacsiga kala dhaxeeya Otaawa.

Masuuliyiinta Sacuudigu waxay sabab uga dhigaan khilaafka diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kanada qoraalo tixan ah ee  ayTwitter marisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kanada oo ku baaqday in la sii daayo dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ee ku xiran Sacuudiga. Laakin khubarada ayaa u arka in muranku uusan ahayn qoraalada ee ay tahay iskudaygi u dambeeyay ee Riyaad ku doonayso in ay uga digto wadamada kale natiijada in ay ka hadlaan arrimaha xuquuqul insaanka ee Boqortooyada.

Nader Hashemi oo agaasime ka xarunta daraasaadka ee Bariga Dhexe ee Dugsiga Xiriirka Caalamiga ah Josef Korbel ayaa yiri “Waa iska cadahay in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu Kanada u isticmaalayo in uu adduunyada inteeda kale u diro farriinta ah haddii aad rabtid in aad la ganacsato Sacuudiga waa in aad afka ka xiratid xuquuqda aadanaha”.

Hashemi wuxuu yiri xasarada siyaasadeed ee u dhaxeeysa Kanada iyo Sacuudiga waa dhaliyay bin Salmaan laftiisa. Wuxuu u sheegay Al Jazeera in Dhaxal sugaha, oo loogu yeero badanaa MBS “waa mid ku dawakhmay awoodda, kibirow ah, una dheertahay garaadyari dhalinyaranimo iyo in uu rumaysan yahay in Donald Trump uu jeebka dambe ugu jiro wixii uu doonana uu samayn karo”.

Ilaa iyo markii uu helay awoodda, MBS wuxuu isku dayay in dalka looga arko mid isbadeldoon ah isla markaasna qotomiyo siyaasad adag uu kula dhaqmo dibadda.
Khilaafka kala dhaxeeya Kanada waa xeeraka cusub oo uu bin Salmaan rabo in wadamada kale ay kula macaamilaan Sacuudiga.

“MBS wuxuu ku asteeyay bacaadka khad” sidaas waxaa yiri Hashemi.
Sacuudiga ayaa Isniinti ku eedeeyay “faragelin qaawan” oo uu kala kacay arrimaha gudaha ka dib markii ay Chrystia Freeland, Wasiir aarimaha Dibadda ee Kanada, ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Samar Badawi iyo kuwo kale oo u ololeeya xuquuqul insaanka Sacuudiga. Raif Badawi, oo ah Samar Badawi walaalkeed ayaa sidoo kale ku xiran Sacuudiga. Raif xaaskiisa iyo caruurtiisu waxay ku noolyihiin degmada Quebec ee Kanada oo dhawaan siisay dhalashada Kanada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa bayaan ku tiri “Waa wax weyn, xadgudub aan la aqbali Karin oo ka dhan ah shuruucda iyo habka cadaaladda ee Boqortooyada iyo ku xadgudub ka dhan madaxbanaanida Boqortooyada”.

“Boqortooyadu waxay u aragtaa fikradda Kanada in ay tahay xadgudub qaawan oo ku socda Boqortooyada oo u baahan jawaab kulul si looga hortago in dhinacya kale usoo farageliyaan madaxbanaanida Sacuudiga” Si kastaba, Thomas Juneau oo Kaaliye Bare Sare ka ah Jaamacadda Ottawa kuna takhasusay siyaasadda bariga dhexe ayaa qaba in hadalka Kanada uusan mid aan caadi ahayn.

Juneau wuxuu usheegay Al Jazeera in qoraalada tweets ka loo arko “dhinbishii shiday dabka” ee waxaa horay u jiray haraca soo jiitamaysay oo Sacuudigu u qabay Kanada oo la xiriirta heshiis hub qiimahiisu yahay $11 billion ah oo ay ansixisay dowladda Kanada laakin ay kooxa xuquuqda aadanaha ay su’aalo badan ka keeneen. Sucuudiyiinta ayaa ka xumaaday, dhibsadayna waxyaabaha laga sheegay iyo in dowladda Kanada aysan si adag u difaacin Sacuudiga.

“Waxay rajaynayeen in dowladda Kanada ay ka qaado tallaabooyin ay ka hortag ah oo difaacdo, horay u dhigtana xirrirka labada dal laakin taasi ma dhici.” Sidaas waxaa yiri Juneau. “Xiriirka Sacuudiga-Kanada ma ahayn midqurxoon oo dhalaalaya ilaa iyo asbuuci hore” Juneau.

Sacuudiga oo Diiday In La Dhexgalo (Iyaga iyo Kanada)

Sacuudiga ayaa muddo hal bil ah u qabtay ardayda wax ku barata Kanada in ay uga soo baxaan Kanada iyada oo u balanqaaday in ay geyn doonto dugsiya kale oo dibadda ama Sacuudiga ah. Wasiirka Waxbarasha ee Sacuudiga ayaa yiri “Waxaan u xaqiijinayaa ardaydeena joogta Kanada in dowladdiinu ay danaynayso waxbarashadiina mustaqbalka”

Guud ahaan 11,650 arday ayaa barnaamijyo waxbarasho muddo dheer ah u joogay Kanada 2015ki, sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kanada. 5,622 arday kalena oo Sacuudi ahna waxay u joogeen Kanada barnaamijyo muddo gaaban isla sanadkaas.

Sacuudigu waxay dib ula noqdeen wakiilkoodi Ottawa, laaleen ganacsiga Kanada, howlwadeenada caafimaadka Sacuudiga ayaa iyaguna sheegay in bukaanada Sacuudiga eek u jira Isbitaalada Kanada ay meela kale u wareejinayaan. Dowladda Sacuudiga ayaa ka samaysay Ottawa iyo Riyadh xafiisyo howlfulin si loo kaalmeeyo muwaadiniinteeda jooga Kanada.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in Kanada ay raadinayso in UAE iyo UK ay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo Sacuudiga laakin waxaa diiday dadaalkan Wasiirka Dibadda ee Sacuudiga Adel Al-Jubeir oo yiri: “Ma jirto wax la dhexdhexaadyo. Qalad ayaa la galay waana in la saxo qaladka.”

Gelinki dambe ee Arbacada, Trudeau (RW Kanada) ayaa sheegay in Wasiirka Dibadda ee Kanada ay wadahadal dheer la lahayd dhiggeeda Sacuudiga, “wadahadalada diblomaasiyadeed waa socdaan” ayuu yiri Trudeau.

Trudeau ayaa shirjaraa’id ka yiri Kanada waligeedba waxay raadin jirtay in ay xiriir la samayso wadamada iyada isla markaasna leh awood ay uga hadasho arrimaha xaquuqul insaanka waana sida Ottawa kula dhaqantay Sacuudiga. “waxaan ula dhaqmaynaa si wax qabad iyo akhlaaq leh, laakin waa adkaysan doonaa in aan u kacno adgudubyada xaquuql insaanka meel kasta oo ay ka dhacaan.”

Xasardu ma Dhamaanayso Dhawaan
In kasta oo aysan faahfaahin, isla Arbacadi ayaa safaaradda Sacuudiga ee Kanada qoraal twitter ah ku tiri in dowladdu “ay eegayso si ay u fulin lahayd talaabooyin dheeraada oo ka dhan ah Kanada.”

Freeland (Wasiirka Kanada ee Arrimaha Dibadda) ayaa tiri horaanti asbuucaan “Kanada markasta waa u sara kici doontaa difaaca xaquuqul insaanka, oo ay ka mid yihiin xuquuqda dumarka iyo xoriyadda fikirka ee adduunka oo dhan”.

Ma muuqato sida Kanada ku xalin doonto arrinta mustaqbalka. Jundeau oo ka tirsan Jaamacadda Ottawa ayaa yrir: “Rajo kama qabo in wax isbadelaan dhawaan waayoo MBS kama muuqan jirin rabitaan ah in ka noqdo waxqabadkiisa, haddii ay noqon lahayd Yemen, ama Qatar, ama kuwa kale”. Taasna waxaa ku raacay Hashemi oo raaciyay: “haddii ay Kanada tanaasusho, ma sii ahaan doonto dimuqaraadiyadda furfuran ee ay sheegato in ay tahay.”

Doorashooyinka federaalka oo la qaban doono sanadka dambe, ayaa ku riixi doona Trudeau in uu meel adag iska taago Sacuudiga si uu u kasbado codbixiyayaasha Kanada.
Dhiniciisa MBS wax badan ayuu ku bixiyay xaaladda wuxuuna rajaynaa, sida uu qabo Hashemi. In “uu guulaysan karo oo wadamada kale aysan ku degdegi doonin dacaayadda siyaasadihiisa”

Mustaqbalka Heshiiski Hubku ma Muuqdo

Cesar Jaramillo, Agaasimaha Fulinta ee Project Ploughshares oo ah koox ka dhan dagaalada oo ku afadkeed heshiiska hubka, ayaa qaba in mustaqbalka $11ka bn heshiiska hubka uusan muuqan. In kasta oo Jaramillo uu soo dhaweeyay in dowladdu ay ka hadasho arrinta dadka u ololeeya xuquuqul insaanka, wuxuu walaac ka muujiyay in si khaldan loo adeegsado arrinta muhiimka ah ee hubka.

Wuxuu yiri ilaa manta, Ottawa waa isdhaafisay xadgudubyada xaquuqul insaanka ee Sacuudiga si ay u socodsiiso wareejinta (hubka) waxayna noqon layaab haddii uu Sacuudigu ka noqdo heshiiska. Jaramillo wuxuu u sheegay Al Jazeera in “Kanada ay dib u jaleecsatay oo ay qaadatay dabeecad ah si kasta oy ahaataba”

Wuxuu yiri wax kasta oo dhaca, waxay noqon iska soo horjeed siyaasadeed oo aan la difaaci karin haddii ay Kanada ku adkaysato heshiiska Sacuudiguna uu qaaday ficil soona saaray hadalo rasmi ah. “meel adag kama istaagi kartid xuquuql insaanka, hadana ma dhihi kartid fadlan aan heshiiska dhowrno. Sidaas kuma shaqayn karto”

FG: U gaar ah Hadalsame Media

W; Q: Jillian Kestler-D’Amours

Waxaa Diyaariyay: Dr Ismaaciil Cali Siyaad

Hadalsame Media