RASMI: Kulamadii Sampdoria-Fiorentina iyo AC Milan-Genoa oo la baajiyey

0

(Roma) 16 Agoosto 2018 – Waxaa si rasmi ah loo baajiyay kulamada Sampdoria-Fiorentina iyo AC Milan-Genoa oo lagu wadey in la dheelo todobaad dhamaadkan.

“Madaxwaynaha Lega Serie A, ayaa kaddib markii uu eegay codsiga ku aaddan in la baajiyo kulamadan oo qabsoomi lahaa Axad 19 Agoosto 2030 ee ka yimi kooxaha reer Genoa, kaddibna ay u guuxeen kooxaha Milan iyo Viola wuxuu baajiyay kulamada Sampdoria-Fiorentina and Milan-Genoa, kaddib musiibadii ka dhaxday magaalada Genoa oo ay 40 qofi ku dhinteen, taasoo loo muujinayo taageero niyadeed.

Maalinta dib laga ciyaarayo waxaa la shaacin doonaa maalmaha yar ee soo aaddan.

Hadalsame Media