DAAWO: Arrin loo qaadan waayay oo ka dhacday gegada ugu wayn Washington DC + Sawirro

0

(Washington DC) 16 Agoosto 2018 – Duullimaadyadii imanayay iyo kuwii baxayay ayaa muddo saacad ka badan la joojiyay, garoonka ugu wayn caasimadda Maraykanka ee Washington DC, kaddib markii uu dabku ka go’ay ama uu ku fillaan waayay.

Waxaa la arkayay rakaab daadsan garoonka caalamiga ah ee qaranka ee Ronald Reagan National Airport, waxaana koontada rasmiga ah ee garoonku ku leeyahay Twitter-ka lagusoo qoray in la baarayo sababta.

Rakaabkii oo jahawareersan ayaa soo bandhigay sawirrada garoonka oo mugdi ah, waxaana shaqaynayay oo qura dab yar oo matoorrada kaydka ah ee garoonka, kuwaasoo toosh u ekaaday marka sawirrada la eego.


Hadalsame Media