”Waxaan arkayay jidkii oo mar qura hoobanaya” – Nin lagu tilmaamay darawalkii nasiibka badnaa oo isagoo shoogsan sheekeeyay! + Sawirro

0

(Genoa) 15 Agoosto 2018 – Nin lagu tilmaamay darawalkii nasiibka badnaa ayaa la waraystay, ninkan ayaa la arkayay gaarigiisa oo taagan meesha ugu dambaysa ee ay shalay ka go’day buundada Morandi ee Genoa.

Ninkan oo lagu sheegay aabbe 37-jir ah markaana kasoo laabtay meel uu cuntooyin geeyay una socdey xarunta kaydka u ah ee Bolzaneto markii uu buunadada jarayay, ayaa ka hadlay wixii uu arkay.

‘Waxaan arkayay jidkii oo hoobanaya, iyadoo ay mar qura dheceen dhamaanba gawaaridii i hor socotey oo sidii wax la liqay noqday,’ ayuu u sheegay samata bixiyayaashii yimid addib shilkii buundada Morandi oo ay ku dhinteen in ka badan 25 qof oo ay ku jireen qoys dhan.

Ninka ayaa markiiba gaariga ku joojiyay qarka isagoo wax yar geeri u jirsadey, wuxuuna ka degey gaariga isagoo gadaal u cararay, wuxuuna haatan la hardamayaa shoog niyadeed waloow aanu jir ahaan xagatin qabin.

Mid ka mid ah dadka badbaadey waxaa ka mid ah goowale Davide Capello, 33 jir, kubadda u qabta koox aan xirfadleey ahayn oo la yiraahdo Legino, kaasoo mucjiso lagu tilmaamay inuu badbaaday, iyadoo gaarigiisa lagasoo dhex saaray burburkii buundada. ”Aniga xitaa ma aqaan waxa i badbaadiyay, jidka oo dhacaya oo aan la dhacayo ayaa iigu dambaysay.” ayuu yiri isagoo la hadlayay La Repubblica.

Goolwale Davide Capello

Hadalsame Media