Kroos iyo Ramos oo caawa Maldini ka jejebin kara! (Waa maxay?)

0

(Tallinn) 15 Agoosto 2018 – Kabtankii hore ee AC Milan ee Paolo Maldini ayaa sida lala socdo ah laacib koob kasta ku guulaystey marka laga reebo Koobka Adduunka.

Yeelkeede, caawa waxaa baxar ku jira rikoodh uu haysto oo ay ku wehliyaan laacibiinta kala ah Dani Alves, Ramos, Kroos iyo Iniesta, kaasoo ah inay qaadeen min 13 koob oo caalami ah, yacni koob aan maxalli ahayn.

Haddaba, labada xiddig ee Real Madrid ee Kroos iyo Ramos ayaa haddii ay caawa qaadaan European Super Cup oo Real Madrid la ciyaarayso Atleti waxay tegayaan min 14 koob oo caalami ah, taasoo ka sara marinaysa halyeeyga Rossoneri.

Hadalsame Media