MAQAAL: In annagaa oo isku cadow ah aan OROMO cadaawaysanno waa culays dheeri ah!

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2018 – Waxaa jira dad raba in ay marin-habaabiyaan Soomaalida aan waxba ogayn. Haddii ay Oromadu Soomaalida soo hawaysato ama isku daydo in ay dhulkooda qabsato waxaa hor socda ama soo hogaaminayaa waa qof kale oo Soomaali ah.

Anigu aqoon ayaan u leeyahay dad badan oo Oromo ah oo dibadaha ku nool sida Holland iyo Canada. Qaarkood jaar ayaan ahayn. Si aanan anigu uga guban ayay uga guban jireen waxa ka dhacaya soomaaliya,

Dadkaasi iyagoo aan is aqoon su’aalaha ay i waydiin jireen isku mid ayay ahaayeen, waxa ayna aad uga xumaayeen wadaniyad xumida dadka Soomaaliyeed.

mar walba waxa ay i waydiin jireen iyagoo xanaaqsan xog ogaalna ah, oo daawaday TVyada Eithopia ka daawaday waxa dhacaya, maxaa magaala madaxdiinii Soomaaliya Muqdisho geeyay Gumaysiga tigreega idinkoo ah dad xor ah, Soomaalidu maxay u arki waayeen cadawga aan la wada dagaalamayno?

Maxay Soomaali U midoobi la,adahay oo aad u noqoteen dowlad goboleedyo iska soo horjeeda? waxaA kale oo ay ii sheegeen in Oromadu ka kooban yihiin Muslim iyo gaalo ayna yihiin qoowmiyad ka midaysan gumaysiga in ay iska dul qaadaan.

Oromadu waxa ay ahaayeen dadka kaliya ee aanu isku fikrada ka ahayn khaladka ka dhacaya Soomaaliya Halka dad badan oo Soomaali ahi ay ku faraxsanaayeen waxa ka dhacaya Muqdisho, iyo gobolada kale ee Soomaaliya oo uu gumaysigu ku soo xad gudbi jiray xasuuqyana ka gaysan jiray.

W; Qortay: Sahra Daahir Mire

AFEEF: Maqaalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media