Real Madrid oo soo bandhigtay SAWIR ay ku farxeen taageerayaasha Inter Milan (Sabab?)

0

(Madrid) 09 Agoosto 2018 – Aaway Modric? Waa su’aal ay farxad isku waydiinayaan taageerayaasha Inter, sidoo kalena welwel ku abuurtay dhiggooda Real, jeer ay jamaahiirta Nerazzurri ka war dhowrayaan waxa kasoo bixi doona kulan berri dhexmari doona maamulka Real iyo Modric.

Yeelkeede, Real oo sawir cusub saartay boggeeda Facebook ayaa waxaa ka muuqda 5 laacib oo xiran funaanadda cad ee kooxdaasi, balse waxaa safka laga tebayaa Modric, waana arrin kale oo dhiirri gelinaysa mucaashiqiinta Inter.

Sawirka waxaa ku jira Bale, Benzema, Sergio Ramos, Marcelo iyo Kroos, waxayna taageerayaasha Inter oo xitaa bilaabay hashtag la yiraahdo #FreeModric, kaddib tegitaankii Zidane, Cristiano Ronaldo iyo Kovacic Madrid ay arrintan u arkeen rajo cusub, balse la arki doonee.

Hadalsame Media