Israel oo BBC u yeerisey sida ay u qori lahayd duqayn ay u gaysteen Marinka Gaza!! (Maxay samaysay BBC?)

0

(Tel Aviv) 09 Agoosto 2018 – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israel, ayaa meel iska dhigay af macaanida diblomaasiyadda, kaddib markii uu weerar toos ah ku qaaday BBC isagoo Twitter-ka adeegsanaya, isagoo diiddan war ay BBC faafisay oo ay ku sheegtay inay Yuhuuddu duqayn ku dishey haweenay uur leh iyo cunug yar.

Emmanuel Nahshon ayaa sida caro leh BBC World ugu tag gareeyay tweet xambaarsan ‘‘cabasho toos ah oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israel.”


Nahshon ayaa waloow uusa toos u beeninaynin warka BCC, wuxuu ka caraysnaa inaysan BBC-du sababaynin, oo aysan xusin in Marinka Gaza dhanka Yuhuudda looga ridey ilaa 100 gantaal.

Waxaa se la yaab lahayd in ay BBC u hoggaansantey warka Nahshon oo ay wax ka beddeshey cinwaankii sheekada.

Afhayeenkan ayaan ahayn nin ku cusub ka daba qaadashada hay’adaha warbaahineed ee caalamiga ah, isagoo sidan oo kale ku sameeyay CNN, oo uu bishii hore usoo jeediyay inay wax ka bedelaan cinwaanka sheeko ay qoreen.

Hadalsame Media