Wasiirkii Arrimaha Dibedda Britain oo lagu haysto aflagaaddo uu u gaystay haweenka Muslimiinta!

0

(London) 07 Agoosto 2018 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Britain Boris ayaa wajahay eedeyn kulul oo kaga timi Golaha Islaamka Britian iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda.

Arintan ayaa timi kadib markii uu ku tilmaamay dubarka niqaabka ama indho shareerka xiran in ay u egyihiin (letter box) oo ah bir qafilan oo leh duleel warqadaha lagu rido.

Xildhibaanada qaar ayaa dalbaday in Boris lagu dacweeye gudiga xuquuqda aadnaha iyo sinaanshaha ee baarlamanka Britian.

Moxamed Dhoorre

Hadalsame Media