LA YAAB: Jibiso maalin cad wax ku cuntay bartamaha jidadka London & sida ay ku timid oo lala fajacsan yahay! (Daawo)

0

(London) 07 Agoosto 2018 – Muuqaalka jibiso wayn oo qoolleey ku qadeeynaysa bartamaha jid mashquul badan oo magaalada London ku yaalla ayaa baraha bulshada heehaabaya, iyadoo ay dadku is waydiinayaan halka uu ka yimid maskan baahan.

Arrintan ayaa ka dhacday Leytonstone High Road qaybihii hore ee Sabtigii waxaana Facebook ku dallacay koox sheegata inay baahiyaan muuqaallada iyo waxyaabaha la yaabka leh ee ka dhaca magaalada London.

Muuqaalka, waxaa laga arki karaa jibisada oo da’ ahaan weli yar, ahna nooca Python-ka loo yaqaanno oo ku duuduuban qoolleeyda, iyadoo deeto liqeeysa jeer ay daawanayaan socotadii oo yaabban.

Hadalsame Media