AL Shabaab oo afar haween ah ku xiray Xarardheere

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2018 -Tuulada Caliyaale oo u dhaw degmada Xarar-dheere ayaa laga soo xiray  afar haween ah oo caruurtooda u diiday in ay ku biiraan Al Shabaab.

Ilo wareedyo  lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya  in afartaan haween ay ilaa wali ku jiraan  gacanta Al Shabaab.

Sababta loo xiray haweenkaas  ayaa lagu sheegay in caruurtooda ay u direen degmada Cadaado, waliba si dhuumaalaysi ah.

Odayaasha Tuulada Caliyaale ayaa wada dadaalo aan kala joogsi lahayn oo ku aadan in xal laga gaaro Falkaan.

Horay ayee ahayd markii  deegaanka Caad ee Mudug dadka ku sugan ay Shabaab ku war galiyeen in caruurtooda ay ku soo wareejiyaan, balse shacabka ay ka biyo diideen.

Hadalsame Media