DHEGEYSO: Beledweyne oo laga bilaabay lacago laga qaadayo dadka

0

(Muqdisho) 5 Luulyo 2018 – Waxaa si buuxda uu maamulka magaalada Baladweyne u sheegay in magaaladaasi ay ka bilaabi doonaan maalmaha soo aadan qaadista lacagta canshuurta.

Cali C/qaadir Sandheere Duqa magaalada Baladweyne ayaa sheegay in shir uu yeeshay maamulka gobolka iyo kan B/weyne isla garteen in suuqyada dhexe ka bilaabaan qaadista canshuurtan.

Wuxuu tilmaamay in hadda ay bilaabi doonaan qaadista canshuurta maalin laha ah, ku xijin doonaan tan billaha, halka midda Saddexaadna ay tahay tan Sanadlaha ah.

Dhanka kale, Duqa B/weyne ayaa sheegay in lacagaha canshuuraha ah ee ay shacabka ka qaadaan ay dib ugu soo celin doonaan magaalada, islamarkaana aanay dhici doonin iney qaataan.

Shacabka B/weyne ayaa marar badan sheegay in lacagaha looga qaado canshuur ahaanta aan shacabka wax loogu qaban ee maamulka magaalada aanay soo dhaafin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Hadalsame Media