DEG DEG: Iska horimaad ka dhacay xarunta wasaaradda arimaha dibadda + Sababta

0

(Muqdisho) 04 August 2018 – Waxaa goordhaw iska hormaad aan khasaare geysan uu ka dhacay ilinka wasaaradda arimaha dibadda ssomaliya, kaddib markii Ciidamo Boolis ah oo watay amar Maxkamadeed ay isku dayeen inay xiraan Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wararka waxa ay sheegayaan in Ciidamadan ay gudaha u galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee degmada Wadajir, iyagoo xafiiskiisa kala soo baxay Wasiir kuxigeenka,waxaana Ciidamadii watay wasiirka lagu celiyay albaabka xarunta, waxaana is hor-taagay Ilaalada Xarunta wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaana ka dhashay qalalaaso, waxaana daqiiqado kooban rasaas laga maqlay albaabka xarunta.

Ismaandhaafka ka taagan xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la sheegayaa in lagu wargeliyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo.

Waxaa hadda xarunta ku sugan saraakiil sare oo ka tirsan booliska , lamana oga sababaha ka dambeeya isku dayga xariga wasiir kuxigeenka iyo eedeymaha loo heysto.

Hadalsame Media+