DAAWO: Taageerayaasha Juventus oo aan labadan sababood dartood soo dhowaynin Bonucci (Garoonka oo cidlo ahaa!)

0

(Torino) 02 Agoosto 2018 – Bonucci ayaa mar aan fogayn kasoo degey gegada Caselle balse ma jirin taageerayaal heesaya oo garoonka dhoobnaa markii uu imanayay 10.47 oo uu transit kusoo maray Amsterdam. Halkan ka DAAWO…

Taageerayaasha Bianconeri, oo weli u ciil cunsan ayaa garoonka ku cidleeyay, iyagoon ka cafinin macasalaamadii lama filaanka ahayd ee 12 bilood ka hor, taasoo ay ugasii dartay dabaaldeggii uu ku sameeyay Allianz Stadium oo goolka isagu dhaliyay kulan ay 3-1 Juve uga badisay Milan.

Taageerayaasha ayaa sidoo kale ka caraysan inuu ka salfaday mid ka mid daafacyada soo baxaya ee haatan ugu shidan Talyaaniga, Mattia Caldara, oo ay Milan ku bedelatey Bonucci, waxayna taasi keentay in loosoo dhoweeyo si aad uga fog waallidii lagusoo dhoweeyay Cristiano Ronaldo.

Hadalsame Media