WAR CUSUB: Denmark oo laga mamnuucay xirashada Niqaabka

0

(Copenhagen) 02 Agoosto 2018 – Dalka Denmark, waxaa tan iyo horaantii sanadkan ka taagnaa dood la xirriirta siddii loo meel marin lahaa sharci mamnuucaya xirashadda Niqaabka.

Hase ahaatee haatan ayaa waxaa si rasmi ah u dhaqan galay sharcigaasi ka dhanka ah xirashada Niqaabka, gaar ahaan goobaha caamka ah. Haweenka lugu arko iyagoo xiran Niqaabka ayaa mudan doona ganaax dhan 10,000 karoon oo lacagta Deenish-ka ah.

Xisbigga xag-jirka ah ee Dansk Folkepartis, oo hindisahan lugu mamnuucayo Niqaabka horboodayey, ayaa watay qorshe kale oo xabsiga loogu dhaadhicinayo ciddii u hogaansami waysa sharciga ka dhanka ah Niqaabka, balse waayey taageero iyo cod, iyadoo loo arkayey ineey tahay arrin aad u xag-jirta. Hindisahan ayaa markii dambe noqday mid aan laga soo qaadin meeshii looga dooday.

Sharcigan maanta ka dhaqan galay dalka Denmark, ayaa noqonaya mid uu kaga dayday dalka Faransiiska oo awal horey u mamnuucay xirashada Niqaabka sanadkii 2011-kii. Ugu dambeyntiina Norway ayaa iyadana hirgelisay sharci diidaya in Niqaabka lugu xirto goobaha iskuulada iyo waxbarashada iyo ardeyda macalimiinta laftooda.

 

Hadalsame Media